Nobelprisvinnarna i medicin 2015. Foto: Jonathan Nackstrand/AFP.
1 av 2
Culimada ku guuleeysatey biladda nobeelka ee caafimaadka 2015. Sawirle: Jonathan Nackstrand/AFP.

3 caalin oo ku guuleeysatey biladda Nobeel ee caafimaadka

Biladda nobeelka ee caafimaadka
1:28 min

Maanta ayaa lagu dhawaaqey cidda nasiibka u yeelatay biladda abaar-marinta Nobeelka ee caafimaadka ee sannadka 2015, middaasina oo ey ku guuleeysteen saddex caalin.

William C. Campbell, Satoshi Omura iyo Youyou Tu oo ka soo kala jeeda waddammada Aayrland, Jabaan iyo shiinaha, ayaa abaal-marinta ku muteeystay cilmi-baaristooda la xiriirtay cudurrada ey keenaan ku dul-nooleyeshaashu - parasitsjukdomar. Waana midda u suurtagelisay dhakhaatiir badan ee caalamka ka howl-gasha sidii loo dhimi lahaa cudurka kaneecada (Malaria).

Biladda abaal-marinta nobeelka ee caafimaadka ayey bar ku guuleysteen Willian C. Campel iyo Satoshi Omura, halka ay qabta kalena ku guuleeysatay Youyou Tu. Iyadoona lagu abaal mariyey kaalinta ey ka geeysteen cudurrada ey keenaan dixiriyada oogo ku nooleyaasha ee loo yaqaanno parasit-ka.

Isha/ Ekot,

                                                                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".