Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Nyanlända barn i skola. Foto: Fredrik Sandberg/TT.
Foto: Fredrik Sandberg/TT.

Husbygårdsskolan oo caawimaad dheeraad ah siiya ardayda cusub

Ururka Läxhjälpen.se oo ardayda ka caawiya duruustooda
1:02 min

Dugsiga Husbygårdskolan ayaa bilaabay wakhtiyo uu ku caawinayo ardayda dalka ku cusub.

Adeegyadan waxbarasho oo cid walba u furan ayaa loogu talogalay in ardayda waddanka hadda timid gacan laga siiyo duruustooda, si ay markaba ula qabsadaan hannaanka waxbarasho ee Iswiidhan. Anna Söderberg oo ah maamulaha iskuulkani ayaa sheegtay in ay dadaaladan ugu talogaleen in ay ku caawiyaan ardayda dalka ku cusub iyo waliba carruurta dalka timid iyada oo aannu waalidkoodu la socon.

- Waxa aannu leenahay urur la yidhaa läxhjälpen.se iyo waliba dhawr urur oo kale oo hawsha nagula jira. Laakiin ururka läxhjälpen ayaa bilaabay wakhtiyo uu casharradooda ka caawinayo ardayda dalka ku cusub ee dugsiyada dhexe dhigta. Ujeeddada ugu weynina waa sidii ardaydan looga caawin lahaa sidii ay hannaanka waxbarashada ula qabsan lahaayeen, ulana jaanqaadi lahaayeen bulshada ay la nool yihiin. Ta aannu xoogga saarnaana waa luuqadda iswiidhishka si ay ugu sahlanaato in ay fahmaan maaddooyinka kale, ayna ugu suurogasho in ay waxbarasho sare sii aadaan.

/SR

Musa Mahamud

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".