Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaalida sharci la’aanta ku ah Sweden iyo xaaladdoda nolaleed

La daabacay måndag 19 oktober 2015 kl 11.01
"Sweden ka ma helin magangeliyadii aan ka rajeynayey"
(1:40 min)
Saxardid Moxamed Bile
Saxardid Moxamed Bile waa 71 sanno jir sideed sanno sharci la'aan ku ah Sweden. Foto:Warsme Elmi/SR

 Sida uu muujinayo tirkoob aan ka soo saarnay diiwaanka laanta socdaalka Migrationverket afartii sanno ee ugu denbeysay soomaali kor u dhaafaysa 9400 ayaa sharci deganaanshaha Sweden loo diiday.

Waa tiro kor u dhaafaysa boqolkii 50 tirada soomaali ee Sweden iska dhiibtay tan iyo sannadkii 2012kii, tiradas oo aheyd 18300 oo ruux.

Haddaba waa sidee xaaladda nolaleed dadyowgan sharci la’aanta ah?  Caqabado nooceeya bay la kulmaan? Waase sidee nolalsha sharci la’aanta ah ee Sweden?

Waa barnaamij dheer oo aan ku eeganayo xaaladda nolaleedka kumaanka kun soomaalida ah ee sharci la’aanta ku ah Sweden. Ha moogaanin in aan soo degsatid oo dhageysatid laga bilaabo maalinta khamiista..

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".