Enkronor. Foto: Lars-Gunnar Bengtsson/SVT.
Sawirle: Lars-Gunnar Bengtsson/SVT.

Doodda dhimista ribada la isku soo celiyo

2:31 min

Qiyaastii 65 000 oo qoys ayaa qarka u saaran iney dhibaato kala kulmaan haddii ay dawladdu joosjiso dhaqaalaha looga soo celiyo ribada.

Qooysaskan ayaa ku sugan xadka fakhri-nimo iyadoona ey dhibaato ku noqon karto haddii ay dawladdu go’aansato inay ka jarto dhaqaalaha ribada ee dib loogu soo celiyo oo lagu qiyaaso 500 oo koran bishiiba, iyadoona bar ey dadyoowgaasi yihiin qooysas leh carruur. Waa sida ku cad tira-koob cusub oo ka soo baxay hayadda tira-koobka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SCB ay u sameeysay laanta wararka ee Ekot iyo laanta idaacadda SR ee Kaliber.

Xaqiiqda waxaa la og-soon yahay in dhaqaalaha ribada ee dib la isugu soo celiyo ey inta badan ey ku macaashaan dadyoowga dhaqaalahoodu sarreeyo ee guryaha ku leh magaalooyinka waaweyn, halka tira-koobkii ay sameeysay hayadda SCB ee sannadkii 2013 lagu ogaadey in qaar badan oo ka mid ah dan-yarta qaadata mushaarooyinka hoose ey ka faa’iideeystaan dhaqaalaha ribada ee dib la isugu soo celiyo.

Hans Heggemann oo ka howl-gala hayadda SCB, soona saaray tira-koobkan ayaa sheegay inay tahay wax lala fajaco in qaar badan oo ka mid ah qooysaska caruurta leh ee ku sugan dhaqaale darrada ey bixiyaan ribo aad u sarreeysa. 

- Haddii middaa laga fakaro waxaa cajiib noqonaysa in qoysaska sidaa u dhaqaalaha liita ey qabaan deymo sidaa u sarreeya, sida uu sheegay Heggemann oo ka howl-gala hayadda SCB. 

Peter Malmqvist ahna saadaaliye dhaqaale ayaa sheegay mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee SVT iney caqabad ku noqon doonto qooysas badan haddii hoos loo dhigo ama la joojiyo dhaqaalaha ribada deeymaha hooyga lagu bixiyo ee dib la isugu soo celiyo. Isagoona farta ku fiiqay shaqaalaha qaata mushaarooyinka hoose iyo kuwa dhexe ee ku jira deeymaha faraha bada, sida uu sheegay. 

Dhaqaalaha ribada ee mulkiileyaasha deeymaha ku qaata guryaha ayay dawladda kaga baxay sannadkii ina dhaafay ndhaqaale gaarsii-san 27 bilyan oo koron, middaasina oo ah dhaqaale ka sarreeya miisaaniyadda dawladda kaga baxda ciidanka ammaanka oo gaarsii-san 22 bilyan.

Isha/ SR Ekot, SVT

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista