Фото: Шведское радио
Фото: Шведское радио

Heeyadaha oo ku liita aqoonta la xidhiidha dhallanka waddanka ku cusub

"Wa in wadashaqeeynta la kordhiyo"
3:11 min

14.000 , waa intii caruur ee waddanka keli magangelyadoon ku timid Iswiidhan bisha aan ku jirno Oktoobar kowdeedi. Tirodan ayaa ka badan laba laab marka sannadkii hore loo barbardhigo.

Sidee ayaa caruurtan loo caawin kara, halka lagu meeleenaya, iyo goorma ayaa waxbarashada loo bilaabaya? Waa maadado ay wassiradda caruurta Åsa Regner , wakiilka difaaca xuquuqda dhallaanka Fredrik Malmberg iyo Heikke Akkers oo hogaamisa Akademikerförbundet oo ah urur soo saartay baadhitaan caruurtan ku saabsan, ka shirayeen maanta ,islamarkaas na ay Heikke Akkers iyo ururkeedu soo jeediyeen dhowr hindise oo ka hadlaya si caruurtan loo caawin laha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".