Hooyo Caasha Ali iyo gabadheeda Samaax Ali.Foto:Mona Ismail Jama/SR
Hooyo Caasha Ali iyo gabadheeda Samaax Ali.Foto:Mona Ismail Jama/SR

Argagaxiye Lundin-Pettersson oo Trollhättan welwel ku abuuray

"Qoomiyada marka la rabo in la raro caruurtooda ayaa laga dilaa"
6:23 min

Falkii argagaxisnimo ee iskuulka magaalada Trollhättan. 5 maalmood ayaa ka soo wareegtay maalintii iskuulka Kronan la weeraray. Weerarkan oo u argagaxiye Anton Lundin Pettersson ka dambeeyay, waa 21 jir noloshiisa dhan magaaladan ku noola. Halkey laba shakhsi uu ku dilay Axmed Xassan iyo macallinka Lavin Eskander, labo kale na weli dhakhtarka lugu hayo, mid ka mid ah kuwan na xaaladiisu tahay khatar.

Hasayeeshe sidey dadka halkani degan mustaqbalka u arkaan? Todobadka dambe markey caruurta Kronan fasaxa dayrta ka baxaan maxaa dhici doona? Cunsurnimadu bulshadda may ku soo badatay? Amniga meeshan maxa laga sheegi kara? Dhowr walidiin ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbinaya degmadda Trolhättan oo siday iyagu u sheegayaan iskuulkan ka dhigay meel u shakhsi kasta soo geli karo, halka kafeteeriyadda halkan noqotay meel khatar ah. Waa in albaabada iskuulkan la qafilo, ayey dhowr waalid ku tallinayaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".