Eedeeysanihii oo maxkamadda ku sugan iyo dukaankii uu fal-debiyeedka ku geeystay. Sawirle: Pontus Lundahl/TT, Fredrik Sandberg/TT
Xabdi iyo tarxiil daa'in ah oo lagu xukumay 36-kii labada ruux ku dilay dekaanka alaabooyinka ee Ikea 10-kii bishii agoosto 2015. Sawirle: Pontus Lundahl/TT, Fredrik Sandberg/TT

Eedeeysanihii dilkii Ikea oo xabsi daa'in uu ku dhaca

Dilkii ka dhacay dukaanka Ikea, Västerås
0:52 min

Maxkamadda degmada Västmanland ayaa ku dhawaaqday inay xabsi daa’in iyo tarxiil kolka uu xabsigiisa dhameeysto ku xukuntay eedeeysanihii ka dambeeyey dilkii dukaanka alaabooyinka Ikea ee magaalada Västerås.

10-kii bishii agoosto ayay ahayd kolkii uu nin 36 jir ahi mindi kula dhacay gudaha dukaanka alaabooyinka Ikea ee magaalada Västerås haweenay 55 jir ah iyo wiil ay dhashay oo 28 jir ahaa.

20 maalmood ayuu haystaa eedeeysanuhu inuu abiil ka qaato xukunka maxkamadda.

Isha/ P4 Västmanland

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".