Baadhitaankan ayaa 337 gabdhood da´doodu u shaxeeyso 15-64 jir wareeysi laa yeelatay .Foto Bertil Ericson/TT.
Foto Bertil Ericson/TT.

Gabdhaha qoomiyada roomerka ah oo u caafimaadkoodu liito

2:55 min

Haweenka roomerka ah ee ku nool Iswiidhan ayuu cafimaadkoodu marka loo barbar dhigo kuwa Iswiidhishka ah hooseya, waa sida ay heeyada dawladda ee caafimaadka Folkhälsomyndigheten ku sheegeen baadhitan ay iyagu soo bandhigeen.

Tusaalahaan ayey gabhaha roomerka ah haweenka kale kaga badanyihiin in u cudur ku dhaco amba jidh dil loo geeysto. Tan ayaa keentay in ay dabeetana dawooyinka si xoog leh u qaataan.

Rosita Andersson ayaa gabdh arrinkan waayo arragnimo u leh:

-Xanuun ayaa mar kasta jidhkeeyga haya, guriga ma hagaajihn karo, xita waxa igu adag in aan jimicsi tago. Waxaan ku fekereya sida aan farxad ugu noolaan laha, ayey sheegtay Rosita oo ah da´da 40 jir fibromyalgi oo ah cudur lafa ku dhaca na qabta.

 

Rosita ayaa muddo gaadhaysa 5 sanno jirro ku qornayd iyada oo islamarkaas na 3:deeda caruur masruufaysa. Dhanka kale na ninkeedu ka dilayo, ninkan ayaa dhowr jeer jidh dil u geeystay Rosita.

Heeyada dawladda ee caafimaadka oo baadhitaankan u sameeyay dawladda ayaa 337 gabdhood da´doodu u dhaxeeysa 15-64 jir wareysi la qaadatay. Jawaabaha ay halkan ka dhibeen ayaa sheegaya in boqolkii ba 50 gabdhahani ku qanacsanyihiin caafimaadkooda marka loo barbardhigo hablaha aan romerka ahin. Kuwan ayaa boqolkii ba 70 cafimaadkooda u arka mid fiican.

Isha/Ekot

 

Badanka gabdhaha roomerka ah wexey ka cabanayaan caafimaad darro iyo jidh dil, tan ayaa keentay in ay kiniinka hurdada iyo kiniinka walaaca isku badiyaan.

 

Anders Tegnell ayaa qeebta caafimaadka u qaabilsan Folkhälsomyndigheten, wuxu sheegay in ay dhibaatooyinka ay gabdhahani ka cabanayaan xidhiidh la yeelan karto shaqo l´aanta ka jirta waddanka islamarkaas na a gabdhahani markey xanuusadan dhakhtar u tagin.

Laakin waxa jira dhowr sababood oo u arrinkani ka dhalan karo ayuu sheegay.

-Cigaar cabisda iyo in cunto natijo lahin cunaan ayaa ku badan dadka roomerka ah marka loo barbardhigo dadyowga kale, tan ayaa ka dhalata in aanu qofku taclin u haysan waxa jidhkiisa u fiican, ayu sheegay Anders Tegnell.

Hasayeeshe maha in baadhitaankan muhiimaad culus la saaro,ayuu raaciyay.

 

Heeyada dawladda ee caafimaadka ayaa doonaysa in ay arrinkan iminka ka hor tagaan. Tusaalahan in shaqaalaha degmooyinka iyo heeyadaha wax laga baro taarikhda qoomiyada roomerka ah iyo xaalada ay dadkani ku suganyihiin.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista