Agaasimaha guud ee hayadda socdaalka Anders Danielsson oo booqasho ku tagay magaalada Malmö si uu u indha-indheeyo xaaladda soo-galootiga. Sawirle: TT. Montage: Sveriges Radio.
Agaasimaha guud ee hayadda socdaalka Anders Danielsson oo booqasho ku tagay magaalada Malmö si uu u indha-indheeyo xaaladda soo-galootiga. Sawirle: TT. Montage: Sveriges Radio.

Hoggaanka Sweden oo go'aan ku gaaray in xuduudaha dalka la sugo

Xuduudaha dalka waa in la sugo
8:43 min

Madaxa hayadda socdaalka dalka Sweden Anders Danielsson ayaa rajo wanaag-san ka qaba go’aanka dawladdu ku gaartay in maanta 12:00 duhur-nimo la bilaabo in xuduudaha dalka la sugo ama la ogaado cidda soo galeeysa dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda qaxootiga ee dalka ku soo qulquleya.

– Mustaqbalka ayaa la arki doonaa saameeynta uu arrinkani yeesho. Halka dhanka kale ey jiraan dhabbooyin kala duwan oo la mari karo, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hayadda socdaalka Anders Danielsson.

Muddo intee le’eg ayuu socon doonaa nidaamkan xuduudaha lagu kontrooleyo?

– Iminka waxaa la go’aansaday muddo toban maalmood ah, dabadeed waxaa lagu dari kari doonaa muddo 20 maalmood ah. Hase yeeshee si saameeyn looga dareemo waa in habkani socdo muddo intaa ka badan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hayadda socdaalka Anders Danielsson oo saaka u warrammayay laanta idaacadda ee P1-morgon.

Isha/ Ekot, Radio Sweden

                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".