Weriye Warsame Cilmi oo ka xaajoonaya sidii uu u xanaaneyn lahaa ilmo dhowaantan la fileyo inay u dhashaan. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Weriye Warsame Cilmi oo ka xaajoonaya sidii uu u xanaaneyn lahaa ilmo dhowaantan la fileyo inay u dhashaan. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Bisha saddexaad ee aabbaha oo baarlamanku ansixiyay

Warsame: "Koriimmada ilmaha qayb ayaan ka noqon doonaa"
10 min

Xubnaha baarlamanka ayaa qalinka ku duugay mooshinkii dawladda ee la xiriiray in bil dheeri ah – bil saddexaad lagu dar omuddada ey labada waalid ku khasban yihiin iney ilmaha dhasha guriga la joogaan, halkii ey horay uga ahaan jirtay laba bilood.

158 xubnood oo ka mid ah xil-dhibaannada baarlamanka ayaa aqlibiyad ugu codeeyay mooshinkaa, halka ey 149 xil-dhibaanna maya ugu codeeyeen. Arrinkasina oo ka dambeeyay kolkii ey xildhibaannada xisbiyada Vänterpartiet (Bidixda) iyo Folkpartiet (xisbiga shacabku) ku raaceen mooshinka labada xisbi ee Socialdemokraterna S iyo Miljöpartiet MP ee haya hoggaanka dalka.

Mooshinka dawladda ayey maya ugu codeeyeen xisbiyada garabka midig ee Moderaterna, Centerpartiet, Kristdemokraterna iyo xisbiga Sverigedemokraterna.

Isha/ Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".