Foto: Henrik Montgomery / TT och Janerik Henriksson/TT
Foto: Henrik Montgomery / TT och Janerik Henriksson/TT

Löfven "Iswiidhan waddamada kale kama duwana"

Löfven" Waa in ilaalista bulshadda lugu soo kordhiyo"
1:37 min

Dawladda waddanka hogaamiisa ayaa ku tallinaysa in macluumaadka kombayuutarada la isgu gudbiyo la daalacdo, in kamaradaha bulshadda ilaaliya la soo kordhiyo, iyo in basaboorada ajaanibta inta aaney Yurub soo galin sii gaar ah loo baadho, sidaas waxa shegay ra´iisal wassaaraha Iswiidhan Stefan Löfven oo mar dhoweed shir saxaafadeed ku saabsan in ay Iswiidhan kor u qaaday heerka diktoonaaanta , qabtay.

Qorshahan ayaa iminka la baadhaya sii loo dhabeeyn laha, iyo si ay boolisku  uga faaiidi karaan. Hadii u qorshahani taageero barlamaanka ka helo, mustaqbalka kamerad ayaa ilaalin doonta dhismooyinka ugu muhiimsan ee ku yaala Iswiidhan, tusaalahan xaruumaha qaxootiga, ururada diimaha iyo xafiisyada warbaahinta.

Löfven ayaa isaguna ku dhawaaqay sidii u wassiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman shalay u sheegay in sharci cusub oo dhoofka xaqjirka ah dembi ka dhigaya soo socdo dhowaan. Sido kale in gacan caawimaad ah amba koxahan la maalgeliyo. Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Löfven:

-Iswiidhan wadamada kale kama duwana. Sidey wadamada kale falalka argagaxiso uga dhici karto ayey halkan uga dhaci karta, halkan, sida waddamada kale waxa jooga dad taageeraya daacesh, ayuu sheegay.



Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".