Boliiska oo gacanta ku dhigay ninkii ay raadinayeen

Sida loo qabtay Mutar Muntanna Majid
2:48 min

Ninkii lagu tuhmayey fal argagaxiso in uu ka fulin rabey Sweden ee 22 jirka ayey ciidamada amaanka xalay ka qabteen xero qaxooti oo ku taala degmadda Boliden.

Wargeyska Norran oo weraysanayey dad ku nool deegaanka Boliden ayaa sheegay in ciidamado sida gooni ah u tababaran oo boliis ah ay xalay soo gaareen degaanka Boliden oo ninka gacanta ku dhigeen fiidnimadii hore ee xalay, inkastoo aysan cadeyn waqtiga rasmiga ah ninkan la qabtay.

Qabashadiisa si fudud ayey ku suurogashay. Haddana waxaa gudogelaynaa wareysiyo aan la yeelano ninkan, ayey tiri Sirpas Franzén oo ah afhayeenka ciidamada amaanka ee Säpo.

Khatar weli halkeeda

Inkastoo gacanta lagu dhigay ninkii ay boliiska ku tuhmayeen in uu qorsheynayo fal argaagxiso, haddana weli waxaa heerkeeda ah digtoonaanta ay ciidamada amaanka horey ugu dhawaaqeen, taas oo ah khatar aad u sareysa.

Ciidamada amaanka oo la boogaadiyey

Ra’iisalwasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa fartiin qoraal ah ku sheegay in u aad ugu ”faraxsan yahay” qabashada 22 jirka. "Shaqada ciidamada amaanka waa mid mustaqbalka fog ku salaysan tahay, ciidamadana waxaa u dhiman shaqo badan. Balse aad ula dhacsanahay sida dhaqsiga badan ee loo soo qabtay ruux la radinayey”

22 jirka ayaa la siidayay, ninkan ayaan wax cadeeynaya in u falkan qorshaayey laga helin markii u boolisku wareesiga la galay sabtidii ina soo dhaaftay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".