Foto: AP
Foto: AP

Qof Iswiidhish ah kuma jiro dadka lagu afduubay BAMAKO

"Xaaladda Bamako waa caadi hadda"
0:37 min

170 qof ayaa lagu afduubay hoteelka Radisson Blu magaalo madaxda dalka Mali ee Bamako.

80 ka mid ah dadka la afduubay ayaa illaa iyo hadda laga soo furtay afduubayaasha.

Sweden ciidamo nabad illaaliyaal ah ayaa ka jooga waddanka Mali oo hoostaga Qaramada Midoobey. Wararkii ugu denbyeyna waxay sheegayaan in dadka la afduubay uusan ku jirin qof ka tirsan ciidanka Sweden waddankas ka howl-gala. Jesper Tengrott waa afhayeen wasaaradda difaaca.

- Ma jir shaqaale ka tirsan ciidanka Sweden oo dhacdadan lagu afduubay. Guud ahaan waxaa la oran karaan in xaaladda amnaan ee Bamako ay hadda caadi tahay. Laakiin falkan waxuu muuinayaa khatar ka dhanka ah howl-galka nabad illaalin ee ciidanka Sweden halkan u joogaan , ayuu yeri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".