Stor knapp med ny logga visas upp. Foto:
Foto: Janerik Henriksson

Liberalerna oo taageeraysa sharciga ku meel gaadhka ah

Wikström: Waa go'aan isdhexgalka bulshadda dadkan ka caawinayn
1:55 min

Folkpartiet amba Liberalerna oo ah magaca cusub ee xisbigan ayaa sabtidii ina soo dhaaftay shir weynahaooda ku go´aamiyay in ay taageerayaan heeshiiska socialdemokraterna iyo moderaterna ee ku saabsan in qaxootiga sharci meel ku gaadh ah la siiyo.

Mid ka mid ah kuwa go´aankan ka soo hor jeeday ayaa ah Cecilia Wikström oo ah xildhibaanad Iswiidhan laga doortay, kuna jirta barlamaanka EU:da.

-Meel keliya kama helin cilmi baadhis sheegaya in u sharci meel ku gaadh ah dadkan ka caawinayo isdhexgalka bulshadda, ayey sheegtay Wikström.

Dhowr qof oo Liberalerna ka tirsan ayaa dhaleecayey go´aankan cusub. Hanna Håkansson ayaa u jeeda in ay liberalerna in kasta oo ay ku jiraan alliansen, qorshahooda iyo fikiradooda horta raacaan islamarkaas na ay diidaan go´aamada aan iyaga aanficin, ayey sheegtay Håkansson.

Shirkan ayey dood xoog badan leh ka dhalatay. Halka dhowr qof oo xisbiga  ka tirsani sheegeen hadii qaxootiga sharci joogto ah la siiyo oo go´aankan la gaadhin ay dhaawaci karto kalsoonida loo qabo Liberalerna.


Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".