Försvarsmakten har infört begränsningar av hur högt planen får flyga och hur tvärt de får svänga. Fotograf: Andreas Eriksson/Flickr
Försvarsmakten har infört begränsningar av hur högt planen får flyga och hur tvärt de får svänga. Fotograf: Andreas Eriksson/Flickr

Iswiidhan oo diiday in ay diyaaradaha dagaalada u dirto Suuriya iyo Iraaq

"Heshiiskan waan ku faraxsanahay"
1:58 min

Dawladda ayaa diiday in ay diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano jas-gripen u dirto Suuriya iyo Iraaq si ay uga hor tagaan kooxda argagaxisada ah ee Daacesh.

Fransiiska oo caawimaadan Iswiidhan ka dalbatay ayey dawladu maanta diiday. Waddanka fransiiska ayaa ka mid ah waddamada ganshanbuurta kula jira ameerika ee hadda duulimaadka cirka ku haya Daacesh.

In kasta oo ay Iswiidhan caawimaadan bixin karin, dawladda ayaa sheegtay in ay caawimaad kale siin karaan wadamada dagaalka ku haya Daacesh. Tan ayaa ah maraakiibta xambaarta diyaaradaha.

Hasayeeshe dawladda ayaa go´aamisay in ay diyaarada dagaalka noca Herkulesplan kaga qeyb gali doonan cidamada gashanbuurta ee qaramada midoobey oo amaanka waddanka Maali ilaalin doona sannadka 2017.

Islamarkaas ayey Iswiidhan go´aamin doonta in ay gacan caawimaad ah siiso  waddanka Fraansiiska oo Iswiidhan ka codsaday qalabka difaaca. 

Dawladda ayaa ku xisaabinaysa in u qiimaha caawimaadani gaadhi karto 40 milyan oo koroon.

Dhammaan xisbiyadda mucaaradka ah ee alliansen ayaa ka so hor jeeda go´aankan. Wexey ku tallinayaan in ay Iswiidhan diyaaradaha dagaalka ah u dirto si loo joojiyo Daacesh, khaasatan xisbiga Liberalerna.

- Arrinkan waan ku guuldarreysanay, ayuu sheegay Allan Widman oo gudiga difaaca ah u fadhiya Liberalerna.

-Waddanka fraansiiska iyo anaguba waan ku faraxsanahay heshiiskan. Waxaan la hadlay safiirka fransiiska u qaabilsan Iswiidhan , isna wuu ku qanacsanyahay go´aankan, ayey wassiirka arrimaha dibada ee Iswiidhan Margot Wallström shir saxaafadeed ka sheegtay.



 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".