körkort
Sawirkan wax xiriir ah lama lahan qoramada warkan. Foto: TT

Baadhitaan lugu soo rogay kaadhadhka aqoonsiga

"Qaxootigii wey yaraadeen"
1:13 min

Maanta ayaa barlamaanka laga go´aamyay  in kaadhka aqoonsiga dadka laga codsado markey bassaska, tareemada amba doomaha raacayaan Iswiidhan ku soo socda raacayaan. Qeynuunkan ayaa bilaabi doona 4 bisha january sannadka dambe 2016.

In kasta oo ay tirodii qaxooti ilaa ilaalistii xuduudaha waddanka la bilaabay, hoos u degeen, weli magangelyadoon faro badan ayaa Iswiidhan soo gaadha.

-Tiradii Iswiidhan sharci u soo raadsata hoos ayey u degtay marka loo barbardhigo bishii hore. Waagas 10 000 oo qof sbuuci ayaa sharci halkan ka codsanjitay, ayuu sheegay Johan Harald oo hogaamiya heeyada socdaalka ee magaalada Malmö.

Xaaladu wexey ugu adkeeyd bishii oktoobar iyo nofeembar sannadkan, halkey tiro u dhaxeeysa 8000 ilaa 10 000 oo qof Iswiidhan sharci ka codsan jirtay sbuuc walba. Islamarkaas ayey dawladdu bishii nifeembar shaacisay dhowr qorshe oo logu talo galay in ay dhimaan dadkan.

Islamarkaas ayey heeyada socdaalka hore u sheegtay in ay boqolkii ba 50 dadka iswiidhan magangelyadoon ku yimaada haysan kaadhkan. Sababta ay dawladdu u soo dejisay qeynuunkani na yahay in dadkan la dhimo.

Sbuuci ugu dambeeyay ayey 3000 oo qofi halkan sharci ka codsadeen.

Dhanka kale heeyada socdaalka ayaa weli isku diyaarinaysa in ay xaaladu degdeg isku bedesho iyo in ay qaxootigii faraha badnaa ku soo labtaan waddanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".