Sawirle: Björn Larsson Rosvall/TT.
Sawirle: Björn Larsson Rosvall/TT.

Safarrada xiliga Karismaska ee dalka

Ciriiriga gaadiidka ee ciidda Karismaska
1:26 min

Maalinta ka horreeysa ciidda Karismaska ayaa ku caan baxday maalmaha ugu socdaalka badan ee gaadiidka ee sannadka. Cidda maanta gaadiid ku safreeysa ayaa u baahan iney ku talo-gasho ama ku xisaabtanto inay waddada muddo ku jiri doonaan, gaar ahaan waddada E4 ee magaalada Stockholm uga baxada koonfurta iyo waqooyiga dalka iyo dhabbooyinka ku wajahan fjällensida ay sheegtay.

Gulsen Bergsdal, ahna saxafiyad ka howl-gasha laanta gaadiidka ee idaacadda Raadiyaha Sweden. 

- Saansaan wanaag-san ayay noqon kartaa, weliba kolka dhabbooyinku qalalan yihiin. Laakiin waxay middaasina hor-seedi kartaa in dadyoowga gaadiidka wataa ey xawli gaadiidka ku wadaan.

Haddii loo baahdo in laga dhuunto ciriiriga waddooyinka xaggey kula tahay in la qaado?

- Suurtagal maaha in laga baxsado ciriiriga waddooyinka. Haddii kale waa in maanta fiidkii goor dambe la safro, sida ay sheegtay Gulsen Bergsdal.

Isha/ SR                                                            kenadid.mohamed@sr.sr

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".