Spruta med influensavaccinering. Foto: TT
Effekten av influensavaccinering bland äldre kan försvåras av att att immunsvaret är sämre. Ett nytt högdos-vaccin i USA tycks förbättra skyddet. Foto: TT

Hargabkii sannadka oo bilow ah

Tallaalka hargabka sannadka
1:41 min

Xafladaha ciidda karismaska kolka laga baxo, shaqaale badanina dib ugu soo laabtaan goobahooda shaqada ayaa la fileyaa inuu bilaaban doono hargabkii sannadka oo sannad walba haddaayoo kale dalka ku faafi jiray.

Hargabkan ayaa sannad walba halista ugu ballaaran uu ku hayaa tusaale ahaan howl-gabka, haweenka uurka leh, dadyoowga qaba cuddurrada karooniska ah ee aan daawo lagu saaro loo heyn ama ay hooseeyso awoodda difaaca jirkoodu, kuwaasina oo lagula talineyo iney tallaal ka qaataan. Anders Wallensten waa ku simaha madaxa laanta cudurrada faafa ee hayadda caafimaadka bulshada:

- Qiyaastii 37% ee da’da ka sarreeysa 65 ayaa illaa hadda iska tallaaley. Waana tiro wanaag-san maadaama uu weli bilow yahay.

Hargabkan ayaa ka mid ah cudurrada ugu badan ee loo geeriyoodo. Imisay gaari kartaa geerida uu keeno?

- Dadyoowga u geeriyooda looma sababeeyo hargabka iney u dhinteen, waxaase dhacda in hargabku sabab u noqdo inuu laciifiyo tusaale ahaan dadyoowga wadnaha wax ka qaba, kuwa qaba cudurka hurgunka sambabka ee bakteeriyadu keento. Qaar badan ee u dhinta ayey dhici kartaa in aaney wax war ah ka heyn inuu hargabku sabab u yahay. Waxaase muuqata in tirada geerida iyo dadyoowga hargabka qaada iney saameyn isku leeyihiin xilliga hargabka iyo geerida.

 Isha/ Ekot

                                                             kenadid.mohamed@sr.se


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".