Jerzy Sarnecki. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix
Jerzy Sarnecki, professor i kriminologi. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Sarnecki "Markii ay wax dhacaan ajaaniibta ayaa la tuhmaa"

"Waa in ay heeyaduhu wadashaqeeyn la sameeyaan ururada xaafadahan"
3:03 min

Maanta ayuu ururka Fores soo bandhigay baadhitaan ku saabsan si bulshada loo soo gelin lahaa dadka ajaanibta. Qeeybta ugu horreeysa ee baadhitaankan ayaa muujinaya dembiyada bulshadda laga geeysto. Booliska ayaa dadka ajaanibta tuhma markey wax dhacaan. Waa sidu baadhitaanku sheegayo.

Baadhitaankan ayaa isaguna sheegaya in badanka dadka u boolisku ka shakiyo in ay dembi geysteen xaafadaha ajaaanibta ah deganyihiin, amba dakhligoodu hooseeyo.

Jerzy Sarnecki oo ah professor ku takhasuusay cilmiga dembiyada, kana mid ah soo saarayaasha baadhitaankan ayaa u jeeda in heeyadaha bulshaddu xirfad u lihin dadka xaafadaha ajaanibta ah degan.

- Hadii ay aqoontan haysan , sidee ayey ajaanibta u caawin karaan, ayuu is weeydiiyay.



Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".