Misstankarna om att 22-åringen var inblandad i terrorbrott väckte mycket stor uppmärksamhet med en stor polisinsats till följd. Även Skellefteå bevakades av tugnt beväpnad polis. Robert Granström / TT.
Misstankarna om att 22-åringen var inblandad i terrorbrott väckte mycket stor uppmärksamhet med en stor polisinsats till följd. Även Skellefteå bevakades av tugnt beväpnad polis. Robert Granström / TT.

Nin horey loogu tuhmay argagaxiso oo magdhow dowladda ka dalbaday

Ninkii bishii november loo qabtay diyaarinta fal argagaxiso balse la siidaayey kaddid markii lagu waayey waxii lagu eedeyanyey ayaa dowladda ka dalbanaya hal milyan karoon oo magdhow ah.

 

– Kliyantigeyga si qalad ah ayaa xoriyad looga qaadey muddo saddex maalmood ah sidaas daraadeed waxaan qabaa in magdhowga la siinayo kor loo qaado. Waxaa lagu eedeeyey denbi aad u culus oo u keenay dhaawac dhanka saxaafaddda ugu yimid, ayuu yeri Peter Ataseven oo ah qareenka 22 sanno jirkii bishii november saxaafadda laga baahiyey in uu qorsheynayo fal argagaxiso.

Ciidmada boliska ayaa ninkan ka soo qabtay gobolka Västerbotten bishii november kaddib markii labo maalmood oo ka sii horeysay qabashadiisa, magaciisa iyo sawirkiisa laga baahiyey saxaafadda. Qareenka 22 sanno jirka ayaa aaminsan in dhaawac weyn uu kliyantigiisa ka soo gaaray sawirkiisa iyo magaciisa oo saxaafadda lagu baahiyey sidaas daraadeedna ay tahay in la siiyo magdhow hal milyan ah.

– Dhaawaca soo gaaray ma yara, sidaas daraadeed ayaa qabnaa hal milyan uu u qalmo, ayuu yeri Peter Ataseven.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".