Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat igår kl 17.16)

Taageerada Socialdemokraterna oo maraysa heerkii ugu hooseeyey

La daabacay måndag 25 januari 2016 kl 11.27
Socialdemokraternas partiledare Stefan Löfvén. Foto:Henrik Montgomery/Scanpix.
1 av 2
Hoggaamiyaha S Stefan Löfvén. Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.
Socialdemokraternas partiledare Stefan Löfvén. Foto:Henrik Montgomery/Scanpix.
2 av 2
Hoggaamiyaha S Stefan Löfvén. Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Xisbiga horumoodka u ah xukumadda Sweden Socialdemokraterna ayaa taageerada ay codbixiyaasha u hayaan maraysa heerkii ugu hooseeyey taariikhda. 

Sidas waxaa muujiyey ra’iyi aruurin Sifo u sameysay wargeysyada Svenska dagbladet iyo Göteborg Posten.

Taageerada ay codbixiyaasha u hayaan Socialdemokraterna ayaa imminka ah boqolkii 23,2 procent, taas oo ah taageeradii ugu hooseysay abed tan iyo intii ay Sifo bilowday cabiridda taageerada codbaxiyaasha sannadkii 1967.

Xisbiga Moderaterna ayaa taagerada ay codbiyaasha u hayaan kor u kacday boqolkii saddex marka loo barbardhigo bishii december, taagerada xisbigan ayaa hadda ah boqolkii 25 codbixiyaasha, taas oo ka micno ah in xisbigaan yahay kan ugu taageerada badan xisbiyada dalka.

Xisbiyada ku bahoobay Alliansen ayaa iskugeyn taageeradooda maraysaa boqolkii 42,8, halka kuwa kale ee laysku yiraahdo rödgrön ay codbxiyaasha taageerada u ahaya tahay boqolkii 37,2

Baaritaankan ra’iyi aruurin ayaa waxaa lagu wareystay 1948 qof lana weydiiyey xisbiga ay u codeyn lahaayeen haddii maanta dalka ka dhaci laheyd doorasho.

Taagerada Sverigedemokraterna ayaa iyada hoos u dhacday 0,8 halka Kristdemokraterna ay xoogaa sare u kacday. Taageerada xisbiyada kale ayaan waxba iska baddelin, sida ka muuqata baaritaanka ra’iyi aruurin ee Sifo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".