Påven Franciskus. Foto: L'Osservatore Romano/TT.
Foto: L'Osservatore Romano/TT.

Bob Fransciskus oo Sweden booqasho ku imaanaya

Antje Jackelen:booqasho muhiimad leh
1:59 min

Hogaamiyaha kaniisadda katooligada bob Fransciskus ayaa dayrta booqasho ku imaanaya Sweden, sidas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay kaniisadda katooliga ee Stockholm.

 

Bobka ayaa booqashada ku tagi doona magaalada Lund 31 bisha oktoober, halkas oo uu kaga qayb-geli doono kulan magaaladas ku yeelan doonaan ururka kulmiya madhabta Lutheranka ee caalamka. Waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo kaniisadda katooliga iyo Lutheranku ay isku meel ku qabtaan allebari. Kulanka Lutheranka ay ku yeelanayaan Lund ayaa lagu xusayaa 500 sanno ee ka soo wareegtay markii kaniisadda Lutheranka ka go’dey katooliga, taas oo caalamka oo dhan laga xusi doono sannadka 2017ka.

Bobka ayaa halkas kula kulmi doono dhallinyaro, isagoo dhallinyarada kalo qayb-geli doona allebari lagu qaban doono kaniisadda domkyrka ee Lund.

Antje Jackelen waa baadiriyadda ugu sareysa kaniisada Sweden, waxayn booqashada bobka Fransciskus ku tilmaamtay booqasho muhiimad leh:

- Haa, waxuu ahaan karaa kulan weyn oo taariikhda gala.

- Waxuu ahaan karaa kulan mideeya kaniisadaha, si kastoo kalo qayb-sanaanta u baaxad weynatahay, wa kulan rajo gelin ah muujinaya kaalinta ay kaniisadaha ku leeyahiin nabadda caalamka, is cafin iyo cadaalad caalamka ka hirgasha, ayey tiri Antje Jackelén.

In uu bob Franciskus ka qayb-galo kulan weynaha madhabta Lutheranka ayaa loo arkaa  in uu yahay go’aan qaasho adag oo u hiilineysa wado hadlo dhexmara kaniisadda katoligada iyo kaniisadda Borotestantiga.

Booqashada Franciskus ayaa noqoneysa tii labaad oo uu bobka katooliga ku yimaado Sweden. 1989 ayaa bobkii Johannes Paulus II booqasho ku yimid Sweden.

Madhabta diin ee Sweden ayaa waqti dheer aheyd mid ku salaysan madhabta Lutheranka ama borotestantiga

 

(TT, SVT)

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".