Peter Dahlin oo tv-ga shiinaha la hor keenay. Sawirle: SVT
Peter Dahlin oo tv-ga shiinaha la hor keenay. Sawirle: SVT

Dahlin oo xorriyaddiisii dib loogu soo celiyay

Muwaadinkii iswiidhishka ee u ololeeyn jiray xuquuqda bani’aadamka Peter Dahlin, kuna sugnaa xabsi ku yaala dalka Shiinaha illaa iyo 3-dii bisha jannaayo 2016 ayaa xabsiga shalay laga soo daayey, isla-markaana dalka Shiinaha laga soo masaafuriyey.

Peter Dahlin wuxuu ka howl-geli jiray urur ka aasaasan dalka Shiinaha ee ku howlan sidii taageero loogu fidin lahaa dadyoowga u dooda xuquuqda bani’aadamka. Hase yeeshee lagu dhaleeceeyey falal mucaarad-nimo, isagoona lagu soo ban-dhigay idaacadda la iska daawado ee dalka Shiinaha, halkaasina lagu khasbay inuu qirto dembiyo. Halka ay qirashadaasi iska dheereeyeen ururkii uu ka howl-geli jiray.

Muwaadin kale oo iswiidhish ah oo lagu magacaabo, Gui Minhai, oo isagana dacwado kale lagu haysto ayaa weli ku sugan xabsi.

Wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallström ayaa qoraal saxaafadeed ku sheegtay inay soo dhoweeyneyso sii daynta Peter Dahlin iyo inuu qoyskiisa la midoobay. Falkan ayaa ka dambeeyay xiriir joogto ah ee ka dhexeeyay wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden iyo saraakiil matalaysay dalka Shiinaha.

 Isha/ TT

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista