Foto: Tomas Oneborg/TT.
Foto: Tomas Oneborg/TT.

Kirada guryaha gacan labaadka oo cirka isku shareeray

Linnéa Agüero:Kirada guryaha gacan labaadka cirkay isku shareertay
1:53 min

Waxaa suuqa ku soo batay guryaha kirada gacan labaadka. Balse saas oo ay tahay qiimaha lagu kireysto guryahan ayaa marayaa heerkii ugu qaalisanaa.

Tusaale guri gacan labaad ah oo cabirkiisa yahay 42 kvadrat xaafadda Nacka magaalada Stockholm waxaa lagu kireynayaa 10 000 karoon bishii. 

Linnéa Agüero waxay ka howl-gashaa bogga xayeysiiska ee Blocket, waxayna waqti u kuugeleysay sida u socdo suuqa guryaha gacan labaadka ah. Waxay sheegtay in xaaladda guryaha gacanlabaadka ahi uu isbaddel ku yimid sannadkii 2013 mnarkas oo la hirgalay sharci cusub oo sahlay guryaha gacan labaad lagu kireeyo.

 – Waxaa soo batay tirada guryaha kirada ah, sidoo kalena qiimaha lagu kireeyo guryahasna kor ayuu u kacay. Guriga halka qol kiridiisa  waxuu qaaliyoobey 1 200 karoon bishii, Stockholm na ugu yaraan 2 000 bishii. Ruuxa maanta Stockholm guri gacan labaad ku kireysanaya waxuu baxinayaa ugu 400 karoon dheerad ah marka loo barbardhigo sannadkii hore. Sharciga hadefkii laga lahaa waa la gaaray, taas oo aheyd in ay bataan guryaha kirada ah. Laakiin dadka oo dhan ma waaodaan in ay kbaxiyaan qiiimaha kiradu mareyso, ayey Linnéa Aguero oo ka howl-gasha Blocket.

- Qofka awooda in uu iska baxiyo kiro qaali ah markas guri waa helayaa, ayey tri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".