Sida cudurka alzheimar u saameeyo maskaxda. Sawirle: Uppsala University/Scanpix
Sida cudurka alzheimar u saameeyo maskaxda. Sawirle: Uppsala University/Scanpix

Calaamadda alzheimar oo horay loo ogaan karo

Muddo 20 sanadood hortood ayaa la dheehan karaa saansaanta cudurka alzheimer iyo in maskaxda uu ka bilowdo hurgun, sida ku cad baaritaan ey dalkan ku sameeyeen culimo iswiidhish ah. Culimada baaritaankan ka dambeeysay ayaa sheegtay in tallaabadani hor-seedi karto hab cusub ee looga hor-tegi karo cudurka, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

Xanuunka Alzheimer ayaa ah cudurka ugu caan-san ee dhimir-beelka ee dalkan Sweden, iyadoona la qiyaaseyo in dadyoow gaarsii-san 100 000 oo ruux ey la il-darran yihiin cudurka. Astaamaha cudurka lagu yaqaanno ayaa ah inuu si tartiib tartiib ah u bilowdo. In marka hore ay xasuustu adkaato, xasiloonida oo yaraata iyo in habka hadalkau wax-yeeloobo. Waxaa dhinta unugyada maskaxda, hase yeeshee aan war loo heyn sababta keenta in unugyadaasi baaba’aan.

Isha/ DN

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".