Wadada E18 ee u dhow Stockholm. Foto: Fredrik Sandberg / Scanpix.
Vägarbete på E18 nära Stockholm. Foto: Fredrik Sandberg / Scanpix.

SNS oo canbaareysey siyaasadda kaabayaasha dhaqaale ee dalkaan

2:02 min

Dawladda Iswiidhan ayaa waxay badanaa go'aamisaa in ay maalgalin weyn ku sameyso mashaariic la xiriirta kaabayaasha dhaqaale xataa iyadoo mashaariicdaasi aysan bulshada faa'iido badan u laheyn,sidaas waxaa lagu sheegey warbixin ay maanta soo saartey hey'adda SNS oo iyadu baaritaano ku sameysa arimaha dhaqaalaha iyo bulshada.

Maria Börjesson waa mid ka mid ah cilmi baarayaasha warbixintaan soo saarey:

-Waxaa jira maalgalino badan oo muhiim ah oo aan marna la hirgalin meesha dhanka kale ay jiraan waxyaala badan oo la sameeyo kuwaas oo aan loo baahneyn sidaas daraadeed waxaan lacagta galinaa waxyaalo qaldan, si kale hadaan u dhaho lacago badan ayaan macna darro ku baab'inaa,ayey tiri Maria Börjesson.


Cilmi baarayaasha ayaa dabagal ku sameeyey mashaariic kala duwan oo hadda gacanta lagu hayo iyo kuwa la dhameystirey oo ay ku bexeen lacago balaayiin karoon ah.
Dhanka kalana waxay u dhaba galeen qaabka la raaco marka mashaariicdaas fulintooda la go'aaminayo.

Cilmi baarayaashaan ayaa farta ku godey in dawladda Iswiidhan aysan fulin kaabayaasha dhaqaale ahaan bulshada ahamiyadda u leh , taas badalkeeda ay awoodda saaraan mashaariic fakhfakh ah sida jidka la marinayo galbeedka dalkaan iyo wadada tareenka ee Botnia.

Maria Börjesson ayaa dhanka kale sheegtey in mushkiladdu tahay in mashaariicdaas ay ku baxaan kharashaad aad u fara badan marka la barbar dhigo waxyaalaha ay ka faa'iidayaan guud ahaan bulshada iyo waliba dadka mashaariicdaas ku safraya.

Xaffiiska dalkaan u qaabilsan xisaabixilmaleh ayaa isaga laftiisu farta ku godey in mashaakil uu ka jiro habka go'aamada mashaariicdaas looga gaaro iyo in aan dhanka kale hab cilmiyeysan oo baaxad weyn loo adeegsan sharciga gundhidda u ah.

-Calaakuli xaal canshuur bixiye ahaan iyo ka muwaadin ahaanba aad iyo aad baan uga calool xumaadey in aan lacagahaas loo isticmaalin sidii ku habooneyd oo dadweynaha canshuurta looga qaadey


xogta/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista