Foto: TT. Montage: Sveriges Radio.
Foto: TT. Montage: Sveriges Radio.

Sweden oo heshiis dib u celin la galaysa Soomaaliya

Ygeman: vi ska gå igenom land för land
0:10 min

Wasiirka arrimaha gudaha Ander Ygeman ayaa sheegay in dowladdiisa qorsheynayso heshiisyo in ay la gasho waddamada ay ka soo jeedaan qaxootiga Sweden sharciyada looga diiday , si ay u qaabilaan muwaadiniintooda.

Waddamada Sweden qorsheynayso in ay heshiis dib u celin la gasho waxaa ka mid Soomaaliya sida ayuu yeri wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman.

"Waxaa la galeynaa heshiis waddan weliba oo aan u baahanahay in aan la galno heshiis dib u celin, waana kalo hadlaynaa dib u celintas qaabka ay noqoneyso", ayuu yeri Wasiirka arrimaha guaha Sweden oo u waramyey Radio Sweden laanta Af-soomaaliga.

Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday in dib u celinayso 80 kun oo ka mid ah dadkii sannadkan soo galay Sweden. Laakiin waddamo badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayeysan maanta suurtogal aheyn in dib loogu masaafuriyo Soomaaliada sharciyada looga diiday Sweden.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".