Sko
Sawirka: TT.

Cunsurinimada iyo dadka ajaanibka

Cunsurinimadda iyo ajaanibka
1:05 min

Dad wajiyada soo duubtey oo ilaa iyo 70 qof gaaraya ayaa habeenkii jimcaha aheyd waxay ku kulmeen magaalada Stockholm iyagoo faafinaya waraaqo lagu soo qorey ereyo cunrinimo iyo naceyb xanbaarsan sidoo kalena waxay weeraro gacan ka hadal ah u geysteen dad asalkoodu ajaanib yahay oo meelahaas marayey.

Dhanka kale maalintii sabtida ayaa waxaa magaalada Stockhom ka dhacey mudaharaad qaxootiga looga soo horjeedo.Ciidamada booliiska ayaan meesha ka saarin in labadaan dhacdo ay xiriir wadaagaan.

Arrimahaas dhacey awgeed ayaa waxaa looga digey dhalinyarada dalkaan soo galey iyagoo aan waalid la socon in ay banaanka u baxaan.

 Dhacdooyinkaas cunsurinimada la xiriira ayaa waxay abuureen walwal baahsan.Abbas waa wiil dhallinyar oo dalka Afghanistan ka yimid isagoo kaligiis ah oo aan wax waalid ahi la socon:

 - Afghanistaan baan u dhashey waxaana ka soo qaxay dagaal ,waxaana ka soo jeedaa wax kasta oo gacan ka hadal iyo dagaal ah.Haddii dalkaan Iswiidhan ay maanta waxaasi ka dhacayaan muxuu kaga duwan yahay dawladaha dunida daddexaad.Khasab arrintaan waan ka walwalsanahay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".