Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Foto: TT
Foto: TT

Iswiidhish lagu xirxirey dalka Giriiga

Laba nin oo Iswiidhish ah ayaa lagu xirey dalka Giriiga iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay jabiyeen sharciyada hubka.Sida ay qortey warfaafinta dalka Giriigu labadaan nin ayaa la qabtey iyagoo bas saaran kuna sii socda dalka Turkiga.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in nimankaasi ay xiriir la leeyihiin ururka argagixisada ee Daacish laakiin waxaa kaloo jira warar isburinaya oo arrinkaas ku saabsan.

Sida ay qortey saxaafadda Giriigu nimankaan ayaa midkood 19 jir yahay kan kalana 28 jir waxayna ka tageen Iswiidhan toban bari ka hor iyagoo sii marey dalal kale oo Yurub ah,waxayna ku sii jeedeen dalka Turkiga si ay ugu sii gudbaan dalka Suuriya.

Nimankaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in cafashkooda laga heley midiyo waaweyn dhawaana maxkamad la soo taagi doono.

Taliyaha ciidamada sirdoonka dalkaan Iswiidhan Sirpa Franzén ayaa diidey in ay arrinkaas ka faalooto.Dhanka kale ciidamada sirdoonka ee Säpo ayaa laga soo xigtey in sanadkii la soo dhaafey ilaa iyo 290 qof oo isugu jira rag,dumar iyo caruur ay ka tageen Iswiidhan aadeena dalka Suuriya.

Ilaa iyo hadda waxaa adag in la hubiyo waxa ay dadkaasi halkaas ka sameynayaan iyo ururada ay dalkaas ku biireen laakiin ilaa iyo hadda 40 qof oo dalkaan Iswiidhan ka tagey ayaa lagu diley dalka Suuriya

Xogta/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".