Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tuugsiga iyo Iswiidhan

tuugsiga iyo Iswiidhan
1:39 min
Tiggare. Foto: Stian Lysberg Solum/TT.
Foto: Stian Lysberg Solum/TT.

Dalkaan Iswiidhan waa in aysan  iskuulada in ay dhigtaan u ogolaan caruuraha dacdareysan ee heysta dhalashada dalalka midawga Yurub, sidoo kalena degmooyinka dalkaani waa in aysan  guryo siin ay ku noolaadaan dadkaas dacdareysan ee heysta dhalashada dalalka midawga Yurub, sidaas waxaa ku taliyey Martin Valfridsson oo ah mas’uul loo xilsaarey in uu ka soo tala bixiyo mushkiladdaas,wuxuuna taladiisa  isla maanta u gudbin doonaa dawladda dalkaan Iswiidhan.

Sanadkii 2015-kii waxaa dalkaan Iswiidhan joogey 5 000 qof oo ah dad dayacan oo heysta dhalashada dalalka midawga yurub kuwaas oo badankoodu tuugsada waxaana ka mid ah ilaa iyo 70 ilmood sida uu sheegey Martin Valfridsson.

Baaritaankaan maanta la soo bandhigey oo ku saabsan in aan iskuulada in ay dhigtaan loo ogolaan caruuraha ay dhaleen dadyowga dacdareysan ee wata dhalashada dalalka midawga yurub iyo waliba sidoo kale in dadkaas degmooyinka dalkaani aysan siin hoy ama guryo ay ku noolaadaan,ayaa waxaa soo baxaya canbaareyno xoog leh oo arrinkaask u wajahan.

Shaban Ibram oo isagu ah roomaan ka yimid midawga yurub gudihiisa ayaa sheegey in arrintaani ay dharbaaxa weyn ku tahay dadka Roomanka:

-Sida caadada ah tala soo jeedintaani waxay dharbaaxo xoog leh ku tahay dadka Roomanka waayo dadka Roomanku wax caawiya helimayaan ,caruurtooduna waligood wey dayacnaanayaan.

Shaban Ibram ayaa isagu hor fariista kana tuugsada xafiis ku yaala magaalada Stockholm.Inkasta oo Shaban uusan akhriyey baaritaankaan dadka tuugsada ku saabsan oo la soo bandhigey ,hadana wuxuu qabaa in arrintaani dhib iyo dhaawac ku tahay dadka Roomanka ayna taas la ildaraan doonaan.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".