Sawir qaade: Jonas Ekströmer / TT
Sawir qaade: Jonas Ekströmer / TT

Tababaraha xulka qaranka dalkaan Iswiidhan oo shaqada ka tagaya

Tababaraha xulka qaranka kubadda cagta dalkaan Iswiidhan Erik Hamrén ayaa shaqada ka tagaya waxaana lagu wadaa in tababare cusub kooxdaas loo magacaabo ka dib cayaaraha yurub ee xagaaga dhici doona.

Hamrén oo ilaa iyo 2009-kii ahaa tababaraha qaranka xulka Iswiidhan ayaa sanooyinkii danbe aad loo canbaareynayey xataa ka dib markii xulka Iswiidhan u soo baxay tartanka qaaradda yurub ee dalka faransiiska lagu qaban doono.

Magacyo badan ayaa la isla dhexmarayaa in ay badali doonaan tababarahaas qaranka Iswiidhan tusaale ahaan Henrik Larsson oo ah maareeyaha kooxda Helsingborg, Jörgen Lennartsson oo ah tababaraha IFK Göteborg iyo Håkan Ericson.

Xogta/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista