Kulan sanadeedkii xisbiga Modaraadka. sawir qaade: Fredrik Karlsson/TT.
Sawir qaade: Fredrik Karlsson/TT.

Moderaadka iyo xisbiyada midigtu miisaaniyad ay ku mideysan yihiin

Xisbiyada  garabka midig ayaa raba in ay baarlamaanka Iswiidhan hor keenaan miisaaniyad sanadeed ay ku mideysan yihiin,waxaa arrintaas aad u guubaabinaya,taageersanna badanaa hogaamiyayaal heer degmo oo miisaan xoog ah ku leh xisbiga Moodaraatka, sida ka muuqata baaritaan ay sameysey waaxda wararka ee talefishinka Iswiidhan.

Siyaasiyiinta xisbiga Modaraadka ayaa muddo gorfeynayey arrinta miisaaniyadda wadajirka ah laakiin mar walba waxaa gaashaanka u daruurayey oo diidayey hogaanka sare ee xisbigaas Moodaraatka.

Hogaamiyaga xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaa carabka ku dhuftey in xisbigiisu taageerayo miisaaniyaddaas xisbiyada garabka middig ku middeysan yihiin balse waa haddii oo kaliya xisbiga Moodaraatku uu dib uga fiirsanayo siyaasaddiisa ku aadan arrimaha qaxootiga.

Hogaamiyaha xisiga dhexe Annie Lööf ayaa sheegtey in ay ka soo horjeedo in dawladda cod lagu rido taas lala kaashanayo xisbiga Sverigedemokrater-ka.

xogta/ SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista