Anders Ygeman. Foto: Åsa Stöckel/Sveriges radio
Anders Ygeman. Foto: Åsa Stöckel/Sveriges radio

Dhallaan wadanka Marooko dib loogu celinayo

Dawladda Marooko ayaa dalkaan Iswiidhan wuxuu siin doonaa tageero dhaqaale si uu u qaato caruuraha dalkaas u dhalatey ee dalkaan dagan,kuna dayacan iyagoona aan wax sharci ah ku laheyn.Iswiidhan ayaa waxay kharash ku bixin doontaa si caruurahaas iyo dhalinyaradaas si wanaagsan loogu qaabilo sida ay sheegtey waaxda wararka ee talefishinka TV4.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman oo talefishinkaas TV4 u waramayey ayaa sheegey in ay rabaan in marka caruurahaas laga masaafuriyo dalkaan  Iswiidhan aysan noqon kuwo dariiqyada magaalada caasumadda ah ee Rabat ku dayacan oo ku meenahaaba sidaas daraadeedna aanu diyaar la nahay in aan lacag iyo dhaqaale wax loogu qabto ku bixino.

 Muddo sii horeysey ayey labadaas dal waxay ku heshiiyeen in ay guddi u saaraan xaliya dhibaatadaas iyo waliba in ay isla gartaan kuwa ay yihiin dadkaas dib loo celinayo iyo kharashka ku baxaya.

Qiyaastii ilaa iyo 800 oo dhallaan waalidkii dhaley aysan la socon, kana yimid dalka Marooko iyo wadamada woqooyiga Afrika ayaa hadda badankoodu ku sugan magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg sida ay sheegtey wasaaradda caddaaladda dalkaan Iswiidhan.Caruurtaas ayaa badankoodu ku nool nolol dayacan.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".