Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ragga la kufsado oo aan daryeel ka helin rugaha caafimaadka

La daabacay tisdag 2 februari 2016 kl 11.08
Sawir qaade: Cecilia Bergil/Sveriges Radio.
Sawir qaade: Cecilia Bergil/Sveriges Radio.

Ragga la kufsadaa wey ka badan yihiin  inta aan u maleyneyno laakiin sidaas oo ay tahayna rugaha caafimaadka dalkaani malaha qaabkii ay raggaas la kufsadey ku qaabili lahaayeen,sidaas waxaa yiri Jens Lindberg oo ah khabiir ka hawlgala jaamadda Umeå kaas oo baaritaan ku sameeyey ragga la kufsado iyo siyaabaha loogu qaabilo rugaha caafimaad dalkaan.

-Waxaan ku qanacsanahay in kufsiga ragga loo geystaa uu muddo badan jirey waxaana qabaa in aysan aheyn wax bulshada dalkaan ku cusub laakiin waxaa laga yaabaa in dadkaasi aysan taageero ka dalban rugaha caafimaadka ayuu yiri Jens Lindberg.

Khabiirkaan ayaa aaminsan in ragga la kufsadaa ay ka badan yihiin dumarka la kufsado,boqolkiiba 15-na ay gaarayaan ragga la kufsadey.

War bixin soo baxdey sanadkii 2014-kii ayaa lagu caddeeyey in 100 nin si jajuub ah loogu kufsadey ka dib markey 18 sano jirsadeen.

Jens Lindberg ayaa dalbadey in ragga la kufsado ay daryeel ka helaan rugaha caafimaadka sida dumarka la kufsadaaba daryeel uga helaan.

Xogta/ Vetenskapsradio

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".