Paolo Macchiarini . sawir qaade: Lars Granstrand/SVT
Paolo Macchiarini . Sawir qaade: Lars Granstrand/SVT

Machadka Karolinska oo la dalbadey in baaritaan madax banaan lagu sameeyo

1:51 min

Madaxa hogaanka sare ee machadka Karolinska Lars Leijonborg iyo guddiga cilmi baarista dalkaan Iswiidhan ayaa codsadey in baaritaan madax banaan lagu sameeyo sidii uu machadka Karolinsku u maareeyey arrimaha la xiriira nin dadka qala oo lagu magacaabo Paolo Macchiarini kaas oo dad kala jooga Iswiidhan iyo Ruushka uu ka qaley neefmareenka ay sababeen qeyla dhaan xoog leh iyo canbaareyn.

Iyadoo eedeymahaasi soo baxayaan ayuu wali maamulihii machadkaasi Anders Hamsten wuxuu sii hayaa jagadiisii maamul ee machadkaas.

Machadkaan ayaa shaqaaleysiiyey  Paolo Macchiarini dhammaadkii sanadkii 2010-kii markaas oo ay saxaafadda talyaanigu ninkaas ku eedeysey in uu khayaano iyo marin habaabin kula kacey dad bukaan ah,taas oo sababtey in ninkaas xabsi guri la galiyo.

Machadka Karolinska ayaa eedeymahaan ka warqabey saas oo ay tahayna waxay shaqaaleysiiyeen ninkaas.

Waxaa kaloo iyana jira isweydiimo ka imaanaya in ninkaas takhtar yahay sida uu sheeganayo iyo in kale.

Paolo Macchiarini oo ah 57 jir dadkana qala ayaa soo caanbaxay markii uu 2011-kii isbitaalka jaamacadda Karolinkak ku sameeyey qaliin uu qof bukaan ah hunguriga neefmareenka ugu badaley mid caag ah.

Laakiin sidaas oo ay tahay 2014-kii ayaa afar takhtar waxay ka gudbiyeen dacwad la xiriirta in uu ku kacay xad gudub xagga cilmi baarista la xiriira taas oo ay ku eedeeyeen in uu ku kacey waxyaalo aan akhlaaqda iyo cilmi baaristu midkoodna ogoleyn.

Hey’adda daawooyinka iyo tan dabagalka ku sameysa arrimaha la xiriira rugaha daryeelka iyo caafimaadka dalkaan Iswiidhan ayaa labaduba dacwo ka dhan ah Macchiarini u gudbiyey booliiska dalkaan Iswiidhan.

Dadka ninkaani uu qaley ayaa ahaa kuwa jiro aad ula ildaran inkastoo qaar ka mid ah dadkaas uu qaley aysan noloshoodu dhimasho qarka u saarneyn.Guud ahaan 8 qof ayuu qaley ninkaani oo qaarkood u dhintey qaliinkii uu ku sameeyey.

Xogta : TT, SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista