Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kharashka ku baxa ilaalinta xarumaha qaxootiga oo kor u kacey

La daabacay tisdag 2 februari 2016 kl 13.48
Farshaxankii: Matilda Ruta/SR

Guryaha ay hay’adda qatootigu dajiso dadka qaxootiga ah ayaa ah kuwa ciriiri ah oo dad badan la isugu geeyey kuwaas ay ku sii badanayaan handadaadaha iyo gacan ka hadalku.Ilaa deyrtii la soo dhaafey waxaa laba jibaarmey dadka goobahaas ku nool,waxaa sidoo kale sanadkii la soo dhaafey ee 2015-kii aad kor ugu kacdey lacagta ku baxda waardiyeynta goobahaas dadka qaxootiga ahi ku nool yihiin taas oo sanadkaas gaartey ila iyo 142 malyan oo karoon.

Habeenkii isniinta ayaa gacac ka hadal iyo dagaal wuxuu ka dhacey xero qaxooti oo ku taala Orust,waxaana gacan ka hadalkaas ka qeybgaley inta u dhaceysa 15 ilaa iyo 20 qof.Shaqaalihii goobtaas ka shaqeynayey ayaa xaalad adagi la soo gudboonaatey kuwaas oo ku fashilmey in ay xaaladaas maareeyaan,waxayna markii danbe hoosta ka soo xirteen makhaayaddii cuntada ee xeradaas ku dhextiil,islamarkaasna waxay waceen ciidamada booliska.

Booliiska ayaa goobtaas u gurmadey waxayna gacata ku soo dhigeen hal qof oo lagu tuhunsan yahay in uu dhaawacyo goobtaas ka geystey.

Goobtaas gacan ka hadalku ka dhacey lagama soo sheegin dad ay dhaawacyo culusi ka soo gaareen.

xogta/ DN

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".