Sawirle: Ola Torkelsson/TT
Sawirle: Ola Torkelsson/TT

Maxaa iska bedelay siyaasaddii dib u celinta soogalootiga soomaalida

1:58 min

Cabdiraxiin Axmed wuxuu dalka Sweden sugnaa illaa iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 2008. Magaalada Göteborg ayuu Cabdiraxiin ku guursaday eyna ugu dhasheen laba carruur ah.

Bartamihii bishii jannaayo ee bishii ina dhaaftay ayaa Cabriraxiin laga raafay isaga oo ku sugnaa nawaaxiga garoonka dayuurradaha e magaalada Göteborg, isagoona halkaa u tagay sidii uu ku soo dhoweeyn lahaa wiil ey saaxibo yihiin. Iyadoona wixii intaa ka dambeeyey uu ku xabisan yahay goobaha lagu hayo dadyoowga la sheego in dalka laga masaafirineyo, halkaana ey ku kala maqan yihiin dhallaankiisii iyaga oo magaalo ku wada nool. Barnaamijka toddobaadka ee Podd-ka ayaannu ku soo qaadan doonaa xaaladda qoyska reer Cabdiraxiin oo aannu booqasho ugu tagney häkt-aha iyo goobta ay qoyskiisu ka deggen yihiin magaalada Göteborg.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista