Foto: Bertil Ericson / TT
Sawir qaade: Bertil Ericson / TT.

Shaqa la’aanta wadamada midowga Yurub oo hoos u dhac ku yimid

Shaqa la’aanta dawladaha xubnaha ka ah ururka midowga Yurub ayaa hoos u dhacdey taas oo bishii december aheyd 10,4 boqolkiiba sida lagu xusey warbixin ay soo saartey hey’adda tirakoobka ee wadamada midowga Yurub taas oo loo yaqaano Eurostat.

Dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa in shaqa la’aantu ka mareyso 6,2 boqolkiiba taas oo muujineysa shaqa la’aantii ugu yareyd oo dalkaas ka jirta tan iyo xilligii dalalkii labada Jarmal ay midoobeen sanadkii 1990-kii.

Shaqa la’aanta dalkaan Iswiidhan ayaa iyadu bishii december waxay aheyd 6.7 boqolkiiba.

 

Xogta/ TT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".