Anna Kinberg Batra. sawi qaade: Anders Wiklund / TT.
Anna Kinberg Batra. Sawir qaade: Anders Wiklund / TT.

Kinberg Batra oo diidey iskaashi xisbigeedu la yeesho xisbiga SD

Hogaamiyaha xisbiga Modaraadka Kinberg Batra ayaa gaashaanka u daruurtey in ay wadashaqeyn iyo iskaashi siyaasadeed dhexmaro xisbigeeda iyo kan Sverigedemokrat-ka,waxayna sidaas sheegey xaley mar lagu wareystey telefishinka Iswiidhan.

Baaritaano la sameeyey ayaa muujinayey in cadad xoog leh oo ka mid ah siyaasiyiinta heer degmo ee xisbiga Modaraatku ay aaminsan yihiin in xisbiga Sverigedemokrat-ka lala kaashado meel marinta miisaaniyad ay ku mideysan yihiin xisbiyada garabka midig.

Hogaamiyaha xisbiga Modaraadka Kinberg Batra ayaa sheegtey in xisbiga Sverigedemokrat-ka aysan waxba la wadaagi karin ayna waxyaalo badan ku kala duwan yihiin sida arrimaha qaxootiga iyo isdhexgalka, xiriirka caalamka iwm sidaas daraadeedna marabno aysan xisbigaas  siyaasad la wadaagi karin.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokrat-ka Jimmie Åkesson ayaa warqad uu u direy siyaasiyiin sarsare  oo heer degmo ah kuwaas oo ka  tirsan xisbiga Modaraadka,wuxuuna warqaddiisa ku sheegey in uu diyaar u yahay in xisbigiisu iskaashi la yeesho xisbiga Modaraadka sida tusaale ahaan in uu taageero miisaaniyad ay ku mideysan yihiin xisbiyada garabka midig.

Xogta/ SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".