Ingrid Forsberg.
Ingrid Forsberg. a. Sveriges Sawir qaade: Mattias Ahlm/Sveriges Radio

Barnaamij warar oo ku baxaya luqad iswiidhish ah oo sahlan

warar iswiidhish sahlan ah
1:14 min

Idaacadda Iswiidhan ayaa maanta waxay bilaabi doontaa barnaamij cusub oo warar ah kaas oo ku bixi doona af iswiidhish jilicsan ama aan ereyadiisu adkeyn ,waxaana loogu talagaley dadka dalkaan ku cusubi in ay wararka iyo waxa dalkaan ka dhacaya barnaamijkaas kala socdaan,sidaas waxaa sheegtey Ingrid Forsberg oo iyadu ah madaxa barnaamijkaas ku baxaya luqadda iswiidhishka ah ee sahlan .

– Ujeedada barnaamijkaan laga leeyahay waa in uu qeyb ka qaato sidii dadkaas cusub oo iswiidhishka ah bulshada loo soo dhexgalin lahaa,adeega idaacadda iswiidhana uu dadkaas u gaaro  ayna wararka oo luqad fudud ku baxaya helaan, ayey tiri Ingrid Forsberg.

Barnaamijkaan ayaa sidoo kale waxaa loogu talagaley dadka iyagu luqadda iswiidhishka baranaya, wuxuuna barnaamijkaani yeelan doonaa bog internet-ka ah oo isaga u gaar ah oo wararka laga dhageysto lagana akhristo iyo sidoo kale adeegyada dhammaan aaladaha bulshada.

Barnaamijkaan ayaa wuxuu maalmaha isniinta ilaa iyo jimcaha ka bixi doonaa idaacadda Iswiidhan saacaddu marka ay tahay afarta galabnimo,kaas oo xanbaarsanaan doona waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee dalkaan ka dhacey isla maalintaas iyo waliba waxyaalaha dhageystayaasha barnaamijkaas ahamiyadda gaarka ah u leh.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".