Sawir qaade: Marit Kuhmunen Blom/ Sameradion & SVT Sápmi
Sawir qaade: Marit Kuhmunen Blom/ Sameradion & SVT Sápmi

Maxkamad ridey xukun qaranka dalkaan Iswiidhan ka dhan ah

Maxkamad ku taala degmada Dällibare ayaa maanta go’aamisey in deegaanka Girjas sameby ay iyaga kaligood xaq u leeyihiin awoodda ah  in laga ugaarsado ama laga kaluumeysto nawaaxiga deegaanka samebyn ku yaal.

Sanadkii 2009-kii ayey aheyd markii deegaanka samebyn qaranka Iswiidhan dacweysey si dawladdu ay u dhinto awoodeeda ku wajahan xuquuqda ka kaluumeysiga iyo ka ugaarsashada keymaha dhulkaas ku yaala.

Dawladda ayaa iyadu dhankeeda ku doodeysey in ay dhulkaas sharci ahaan xaq u leedahay,iyadana looga danbeeyo balse maxkamadda ayaa maanta ridey xukun arrintaas ku saabsan oo qaranka dalkaan ka dhan ah.

Maxkamadda ayaa go’aamisey in xuquuqda dhulkaas uu gaar u yahay ahna mid ay xuquuq ahaan leedahay Sameby.

Go’aanka maxkamadaan ayaa wuxuu raad ku yeelan doonaa guud ahaan cidda xuquuqda sharciyeed u leh ka ugaarsiga iyo ka kaluumeysiga dhammaan dalkaan Iswiidhan gudihiisa.

 

Xogta: TT, Sameradion.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista