Håkan Gustavsson.
Håkan Gustavsson/Sveriges Radio

Shaqooyinka mustaqbalka dalkaan Iswiidhan looga baahan yahay

Dalkaan oo baahi u qaba shaqaale xirfadeysan
1:43 min

Dadka  barta aqoonta injineernimada ,cunto karinta, macalinimada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa waxay mustaqbal fiican ku leeyihiin in ay shaqooyin mustaqbalka ka helaan dalkaan Iswiidhan.

Baahida shaqaale xirfadeysan dalkaani u qabo ayaa hadda aad iyo aad kor ugu kacdey taas oo hadda gaartey heerkii ugu sareeyey laga soo bilaabo ilaa iyo sanadkii 2007-dii.Laakiin sidaas oo tahay dhallinyarada ayaan iyagu baran waxbarashooyinka u hagaya in ay shaqooyin ku helaan,sidaas waxaa lagu sheegey warbixin ka soo baxdey xafiiska shaqada dalkaan Iswiidhan.Håkan Gustavsson waa khabiir ka hawlgala xafiiska shaqada:

- Waa run in uu kor u kacayo baahida shaqaalaha dalkaan looga baahan yahay ,laba sababood ayaana arrinkaas sabab u ah:

waa tan horee baahi shaqo ayaa ka jirta qeyba ka mid ah suuqa shaqada dalkaan iyo tan labaad oo ah dhaqaalaha dalkaan Iswiidhan oo kobcaya.

Håkan Gustavsson ayaa intaas ku darey in dalkaan hadda aad iyo aad  loogu baahan yahay macalimiin iyo dadka rugaha caafimaadka ka shaqeya.

20-kii shaqo oo dalkaan laga baafinayo 9 ka mid ah ayaa ah kalkaaliyayaal caafimaad.

Mustaqbalka in qofku shaqa helo iyo in uu baagamuundo noqdaa waxay ku xiran tahay in uu doorto waxbarasho dugsi sare oo ku haboon ,laakiin waxaan badanaa iskeeneyn dhallinyaradu waxyaalaha ay xiiseynayaan iyo shaqooyinka bulshada looga baahan yahay, ayuu yiri Håkan Gustavsson.

- Dhallinyaradu ma doortaan waxbarashooyinka la xiriira  shaqooyinka ay shaqa bixiyayaashu baahida u qabaan,  dhanka kalana waxaa yar xiisaha loo qabo waxbarashooyin badan oo lagu barto dugsiyada sare, jaamacadaha iyo machadyada dalkaan.

Warbixinta uu xafiiska shaqadu maanta soo bandhigey ayaa muujineysa in dalkaan Iswiidhan ay jiri doonaan fursado fiican oo shaqooyin lagu heli doono waayo waxaa muuqata in dalkaan ay ka jirto baahi xoog leh oo  shaqaale xirfadeysan loo qabo.

Xafiiska shaqada ayaa odorasey in dad gaaraya ilaa iyo 68 000 oo qof ay shaqooyin dalkaan ka heli doonaan sanadkaan gudihiisa.

Xogta/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".