Flicka tittar på en skärm. Bild på instragram med hatkommentar om att en flicka är ful och äcklig.
Under onsdagen presenterades en rad förslag för att näthat ska bli straffbart. Foto: TT. Montage: Sveriges Radio. sawir: Under onsdagen presenterades en rad förslag för att näthat ska bli straffbart. Foto: TT. Montage: Sveriges Radio.

Naceybka internetka oo lagu taliyey in gacan bir ah lagu qabto

1:44 min

Baaritaan ku taliyey ballarinta cinqabaha lagu muteysto naceybka internetka.

Baaritaan ku taliyey ballarinta cinqabaha lagu muteysto naceybka internetka

Guddi baaritan oo horey u magacowday dowladda ayaa maanta soo bandhigay talooyin ah in la ballaarinyo waxyaabha lagu muteysto cinqaabha ee la xiriira naceybka internetka. Guddiga ayaa ku taliyey in dacwad lagu soo oogo cid kasta oo qadka internetka ku soo gudbisa hanjabaado sharci daro ah, anshax xumada iyo weliba meel ka dhaca sharafta ruuxa.

- Wasiirka cadaaladda u gudbineynaa talooyin dhowr ah, oo ay ka mid tahay dejinta cinqab cusub oo la xiriirta markii aad loo faafiyo ogalaansho la’aan ah macluumadkiisa qaask ah ee ruuxa, tuusale laga faafiyo ogalaansho la’aan filimo galmo ah, ayey tiri Gudrun Antemar oo ah baaraha dowladda u xilsaartay arrinkan.

Talooyinka baaraha ayaa ah in la ballaariyo waxyaabaha denbiyada lagu muteyso ee la xiriira hanjabaadaha sharci darada ah, sharaf dilka iyo anshax xumada ee dadka loogu geysto internetka, gaar ahaan bogaga lagu baahiyo hanjabaahda iyo meel ka dhaca.

Ujeedadana waa sidii qof denbi  noocaan ah loogu geysto internetka u heli lahaa magdhow.

Inta badan dadka dhibaatooyinkan loogu geysto internetka waxay badan yahiin carruur iyo da’yar. Guddoomiyaha ururka badbaadada carruurta Elisabeth Dalin ayaa soo dhaweeyey talooyinka ku jira baaritaankan.

– Qatar badan ayaa internetkak u jirta, carruur badan na waxaa loogu geystaa sharaf dil iyo naceyb. Sidaa daraaded aad u wanaagsan tahay baaritaan in lagu sameeyo oo laga eego dhanka wanaaga carruurta marka la baarayo, ayey tiri.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista