Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo malaayiin karoon ugu yaboohdey dadka Suuriya

La daabacay torsdag 4 februari 2016 kl 10.10
Sawir qaade : Henrik Montgomery/TT.
Sawir qaade: Henrik Montgomery/TT.

Dalkaan Iswiidhan ayaa 350 milyan oo karoon waxay ugu deeqdey dadka suuriyaanka ah ee dhibaatada iyo dayacu ku heystaan dalka Suuriya gudihiisa iyo waliba wadamada dariska dalkaas la ah oo ay dadkaasi u qaxeen.

Iswiidhan ayaa lacagtaas suuriyiinta uga yaboohdey shir maanta ka dhacaya magaalada London kaas oo qaaraan loogu uruurinayo dadka dagaalada iyo gaajadu aafeeyeen oo ku nool gudaha dalka suuriya.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Löfven  iyo wasiirka arrimaha dibadda Wallström ayaa iyagu shirkaas ka qeyb galaya.

Dawladda Iswiidhan ayaa hadda ka hor ku dhawaaqdey in ay 1,7 bilyan oo karoon u qoondeyn doonto ilaa iyo sanadka 2020-ka si wax loogu qabto dadka Suuriyaanka ah ee dayacan.

Dawladaha Yurub ayaa raja ka qaba in lacagahaas ay ku yaboohayaan ay hakiyaan qaxootiga badan oo Suuriya ka imaanaya soona galaya wadamada Yurub, waxayna madaxdaasi rajo ka qabaan in lacagahaas shaqooyin iyo waxbarasho loogu abuuri karo qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku sugan wadamada dariska la ah Suuriya oo malaayiin qof oo dalkaas u dhashey ay ku soo qaxeen.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".