Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Julian Assange (bidix) iyo saafaradda Ecuadors ambassad i London (t.h.).
Julian Assange (t.v.) och Ecuadors ambassad i London (t.h.). sawir: Kirsty Wigglesworth/TT och Tim Ireland/TT

QM: xoriyad ka xayuubinta Assange waa sabab la'aan

Qareen Olsson: Waxay qasab ka dhigeysaa in la siidaayo
1:58 min

Qaramada Midoobay ayaa sameysay baaritaan ay ku eegayso xoryadda laga qaadey mulkiilaha shabakadda Wikileaks Julian Assange, baaritaanka ayaa ku tilmaamay xoriyad ka qaadidda Assange mid sabab la’aan ah.

Natiijada baaritaan ayaa sabab u noqon karta in Assenge iska soo baxo guriga safaaradda guriga Ecuador ku leedahay magaalada London. Natiijada baaritaanka ayaa la filayey in ay soo baxdo berrito laakiin BBC ayey u suurogashay in ay horey u sii hesho macluumaadka ku xusan baaritaanka QM.

Julian Assange ayaa isla maanta ku qoray boggiisa Twitter ” Waxaan sugeynaa xaqiijin rasmi ah”.

Laakiin xeer-illaalinta Sweden ayaa ka gaabsatay ka hadalka arrimaha ku cusub kiiska Julian Assange.

– Waxaan ka hadli doonaa markii ay jiraan wax laga hadlo, oo aan helno natiijada baaritaanka. Sidaas waxaa yeri Karin Rosander oo ah afhayeenka hey’adda xeer illalinta mar ay la hadlaysay TT.

Haddii warka BBC dhab noqdo markas waxay dhinac u rogeysaa kiiska Assange, xataa haddii natiijada baaritaanka QM aysan aheyn mid ay qasab tahay in la raaco, sidaas waxaa yeri qareenka Julian Assanges Thomas Olsson.  

– Dabcan arrintan cusub waxay qasab ka dhigeysaa in lagu noqdo kiiska soo xiritaanka Assange, maadaame horey xeer-illaalinta u sheegtay in xilligii  Assange ku jiray saafaarad aan loo xisaabineynin sida in xoriyadda laga qaadey, taas waxay ka dhan tahay xeerka caalamiga ah, ayuu yeri Qareenka Sweden u jooga Assange.

Si haddaba assange xoriyaddiisa dib ugu helo waa in maxkmad Sweden ah wax ka badesho go’aankii horey loogu gaaray in la soo xiro, markasna waxaa meesha ka baxaya amarkii horey Yurub oo dhan loogu baahiyey ee ah in Ninkas Assange ah la soo qabto, boliska Ingiriiska waxay ku qasbanaanayaan in sii daayaan, ayuu yeri Qareen Olsson.

 Assange markii la amray soo qabashadiisa waxuu ku dhuuntay safaaradda Ecuador ku leedahay London halkas oo ku sugnaa muddo saddex sanno ah, isagoo ka dhuumanaya in aan loo soo gacan-gelin dalka Sweden oo looga heysto eedeymo la xiriira kufsi labo haween ah.

Laakiin Assange ayaa ku doodaya in uu ka cabsi qabo Sweden in ay u gudbiso oo i gacan-geliso dalka Mareynaka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".