Sawir qaade : Johan Nilsson/TT.
Sawir qaade : Johan Nilsson/TT. sawir: Johan Nilsson/TT

Qaxootiga cusub oo sanadkaan Iswiidhan imaan kara oo la qiyaasey

Qaxootiga sanadkaan Iswiidhan imaan kara
1:41 min

Hay’adda qaxootiga ayaa qiyaaseysa in dalkaan Iswiidhan ay qaxootinimo u imaan karaan sanadkaan 2016-ka qaxooti gaaraya inta u dhaxeysa 70 000 ilaa iyo 140 000 oo qof, sidaana waxaa lagu sheegey warbixin odoros ah oo ay hay’adda qaxootigu maanta soo saartey.

Odoroskaan ayaa lagu saleeyey saddex waxyaalood oo dhici kara.Tan hore waa in koontaroolka xuduudka  Turkigu faraha ka baxo markaas oo laga yaabo in ay dalkaan qaxootinimo  weydiistaan dad gaaraya  ilaa iyo 140 000 oo qof kuwaas oo 27 000 oo ka mid ahi yihiin dhallaan aan wax waalid ahi la socon.

Tan labaadna waa haddii xuduudka turkiga la adkeeyo markaas oo ay dalkaan qaxootinomo u iman karaan dad gaaraya 70 000 oo qof kuwaas oo 12 000 oo ka mid ahi  yihiin dhallaan aysan wax waalid ahi la socon.

Odoroska saddexaadna waa mid labadaas odoros ee hore u dhexeysa taas oo dalkaan Iswiidhan ay imaan karaan qaxooti dhan ilaa iyo 100 000 oo qof.

Anders Danielson waa maareeyaha guud ee hay’adda qaxootiga dalkaan Iswiidhan:

-Qiyaasaha qaarkood ee mustaqbalku wey dhici karaan kuwana ma dhici karaan ,arrinkaani siyaasad ayuu ku xiran yahay iyo waxa ay dawladda Turkigu ka sameyso, ayuu yiri Anders Danielson.

Hay’adda qaxootiga ay kharashka lacageed oo qaxootiga ku bixi kara sanadkaan  2016-ka ku qiyaastey inta u dhaxeysa 41 bilyan ilaa iyo 43 bilyan oo karoon.

Hay’adda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqdey in odoroskaan ay maanta soo saartey uu yahay mid aan la isku haleyn karin maadaama sanadkii hore ay qaxootiga dalkaan soo gali kara ku qiyaaseen 74 000 oo qof balse waxaa taas badalkeeda iska dhiibey dalkaan qaxooti gaaraya ilaa iyo 160 000 oo qof.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".