Bolund kommenterar Ingves utspel på DN-debatt.
Per Bolund kommenterar Per Ingves debattartikel. Foto: TT

Waajib laga dhigayo baxinta deymaha cusub ee guryaha

Laga billaabo kowda bisha Jun waxaa waajib looga dhigayaa dadyowga deymaha cusub qaate ee guryaha ku iibsada in ay billaaban baxinta deynta, halka maanta badaana ruuxa baxiyo keliya dulsaarta deynta uu guriga ku iibsaday.

Sidaas waxaa maanta go’aan ku gaaray xukumadda, iyadoo xukumaddu ay fileyso in ay go’aankeeda taageero uga heli doonta baarlamaanka dalka.

Arrinta ah in deyn qaatayaasha waajib looga dhigo dib u baxinta lafaha deynta ay guryaha ku iibsadeen ayaa waqti dheer Sweden soo jiitameysay. Balse maanta ayey xukumadda go’aan arrinkan ka soo saartay.

Sababta dadka deynaha cusub qaadanaya loogu soo rogay in ay horey ka billoqga celinta deynmaha guryaha ayaa ah in badateen dadka deynaha lagu leeyahay. Iyadoo ay iska soo dabo dhacayaan digniino la xiriira in uu qarxo suuqa guryaha Sweden, taas oo keeni karta dhaawac soo gaara dhaqaalaha waddanka.


xogta:Ekot

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".