Julian Assange.
Julian Assange .Sawirka : AP/TT.

Julian Assange oo booliisku xirayo hadduu banaanka u soo baxo

Julian Assange oo ah mulkiilaha shabakadda Wikileaks ayaa la filayaa in uu maanta ka soo baxo safaaradda dalka  Ecuador ay ku leedahay magaalada London ee dalka England oo uu magangalyo ahaan ugu dhuumanayey halkaas muddo saddex sano ah.

Ninkaan ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu kufsi dumar ka geystey dalkaan Iswiidhan balse baaritaan ay sameysey qaramada midoobey ayaa ku tilmaamey xorriyadda ninkaas laga qaadey in ay tahay mid sabab la’aan ah.

Ciidamada booliiska dalka Ingiriiska ayaa sheegey in ay xirayaan Assange haddii uu banaanka uga soo baxo safaaradaas uu mudaba ku dhuumaaleysanayey.

Danbi baarayaasha dalkaan Iswiidhan ee gacanta ku haya dacwada loo heysto Julian Assange iyo dawladda Iswiidhan ayaa  iyaguna dhankooda sheegey in go’aanka qaramada midoobey ka soo baxay uusan waxba ka badaleyn go’aankoodii hore ee ahaa in ninkaas maxkamad la soo taago la xiriirta dacwooyinka kufsi oo dalkaan looga heysto,iyo dalabkoodii ahaa in Julian Assange loo soo gacan galiyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".