Martin Kinnunen. sawir qaade : Marcus Ericsson/TT.
Martin Kinnunen. Sawir qaade : Marcus Ericsson/TT. sawir: Marcus Ericsson/TT

Martin Kinnunen oo danbi xisaabi xil ma leh ah lagu waayey

Xabsi iyoxildhibaan-nimo isma galaan
1:33 min

Martin Kinnunen oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokrat-ka ayaa lagu waayey danbiyo lagu soo eedeeyey oo ahaa xadgudub dhanka canshuuraha ah iyo isdabamarin xisaabeed.

Danbiyada lagu soo eedeeyey Martin Kinnunen ayaa salka ku haya shirkadda Samtid&Framtid oo xisbiga Sverigedemokrat-ku saamigeeda leedahay, ninkaasina kali ahaan maamulkeeda hayey.

Danbi baare Jakob Holmberg  ayaa Martin Kinnunen ku eedeeyey in cashuurta dadban ee shirkaddaas laga rabey si qaldan loo gudbiyey sidoo kalana mararka qaarkood xisaabxirka shirkaddaas dhaliilo laga dhex arkey.

Qaladka ugu weyn oo shirkaddaas ka dhacay ayaa ahaa markii Erik Almqvist oo isagu xubin hore ka ahaa xisbiga Sverigedemokrat-ka la siiyey lacag dhan 3,7 milyan oo karoon maadaama uu xisbigaas la taliye u ahaa.

Xogta : TT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".