Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada arday ee kaalmada dhaqaale loo diido oo soo kordhaysa

La daabacay fredag 5 februari 2016 kl 11.53
CSN
(0:52 min)
Bild på CSN:s hemsida.
CSN:s hemsida. Foto: Sveriges Radio

Boqolkii ba 10 ardayda jaamacadaha dhigta ayaa loo diida caawimaada dhaqaale ee ardayda la siiyo.

Sababta oo ah in aaney ka soo bixin waxbarashadooda. Sidaas waxa sheegay heeyada kaalmeeynta waxbarashada ee CSN loo soo gaabiyo.

Ardaydan ayaa labalaabmay lixdii sanno ee ugu dambeeyay soona kordhaya ayey CSN u jeeda.

Ilaa iyo 2010:kii ayaa shuruudaha lugu atkeeyay ardaydan. Kuwan ayaa ah in khasab lagaga dhigay in ay ka soo baxaan waxbarashadooda hadii ay doonayaan caawimada dhaqaale ee ardayda la siiyo.

Andreas Dahlkvist oo ka hawlgala heeyada CSN ayaa wareeysi oo u la galay telefishinka la iska daawado ee SVT ka sheegay in ay laba mid tahay. In ardayda qaari marka lacagtan loo diido dadaalka waxbarashada kordhiyaan, halkey qaari iskaga taagaan jaamacada iyaga oo lacag badan lugu leeyahay.


Isha/SVT Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".